Uncategorized

Muudeey oo eedeeyay Guddoomiye Jawaari.

Muqdisho-KNN-Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Cabdi wali shiikh Ibraahim Muudeey oo goor-dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeen kulul usoo jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari kadib buuq maanta hareeyay Dhismaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay in Prof Jawaari uu ciidamo keenay Xarunta Golaha Shacabka islamarkaana uu jebiyay sharciga, waxaa kale uu ku eedeeyay qal qal gelinta amaanka Xildhibaanadii damcay in ay kulanka ka qayb galaan.

Dhinaca Kale Xildhibaanada Taageersan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Guddoomiye Muudeey ku eedeeyay maanta mar sii horeysay adeegsiga awoodda Dowladnimada isagoo ay sheegeyn inuu garab ka helayo Laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya.