Uncategorized

Muudeey oo la sheegay inuu baajiyay kulanka Baarlamaanka.

Muqdisho-KNN-Kulanka Xildhibaanada Golaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ee lagu waday inuu maanta qabsoomo ayaa baaqday kadib markii la sheegay inuu fariin baajin ah udiray Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudeey.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyay inuu baaqday kulankii maanta ku hor imaan lahaa Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari gudoomiyihii iscasilay.

Si rasmi ah looma oga sababta baaqashada hasa yeeshee Shalay ayaa gudoomiye Jawaari shirkiisa Jaraa’id ku sheegay inuu faah faahin doono sababihii ka dambeeyay iscasilaadiisa.

La soco wixii ku soo kordha.