Uncategorized

Muudey oo xubnaha Baarlamaanka ku wargeliyay waqtiga uu dhacayo kulankooda

Muqdisho-KNN-Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa daqiiqado ka hor farriimo qoraaleed u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo lagu wargeliyay Xildhibaanada in maalinta berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Baarlamaanka ee ajandihiisa yahay Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari oo laba jeer oo hore dib u dhacay.

Fariintaan loo diray xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa imaaneysa xili Saacadihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ay ka soconayeen kulamo gooni gooni ah oo xal loogu raadinayay khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Laba kulan oo ay yeelan lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u baaqday kuwaas oo cod loogu qaadi lahaa Gudoomiye Jawaari oo mooshin uu ka yaalo.

Lama oga sida uu noqon doono kulankaan berri loogu yeeray mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu horay u dalbaday in si daah furnaan ah cod qarsoodi ah loogu qaado mooshinka ka yaalo kadibna ay aqbal tahay natiijadii soo baxda balse ay goob joog ka noqdaan Beesha Caalamka, Xubnaha Golaha aqalka sare, Culimada Soomaaliyeed, Haweenka iyo dhalinyarada.

Lamana oga waxa ka dhaqan galay soo jeedinta Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Halkan hoose ka akhriso farriin qoraaleedka loo diray Xildhibaanada