Somali News

Muuqaal:-Shiikh Shariif”Garoonka diyaaradaha cidna ma iga celin karto”

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii shalay lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, isagoo ka digay qaabka ay dowladda wax u wado.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ugu yeeray Maamul Goboleedyada, Axsaabta siyaasadda iyo Bulshada Soomaaliyeed in ay u istaagaan Bad baadinta Dalka.

Shiikh Shariif ayaa waxaa uu  ku dhaliilay dowladda arimo ay ka  yihiin  amniga, dhaqaalaha iyo dastuurka oo uu sheegay in dhamman ay ka gaabisay, taasi bedalkeedna uu Tilmaamay in ay xooga saartay dagaalka ay kula jirto siyaasiyiinta mucaaradka.

Halkan ka Daawo Muuqaalka Shirka jaraa’id ee Shiikh Shariif