Somali News

Muusa Biixi iyo Safiirka UK ee Soomaaliya oo kawada hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka waddanka UK u qaabilsan dalalka Soomaaliya Ambassador David Concar oo booqasho ku tagay deegaanada Soomaaliland.

Kulanka ayaa madaxweynaha iyo safiirku waxay kaga wada-hadaleen arrimo badan oo  khuseeya mandaqadda geeska Afrika iyo wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee horay ugu socday oo in muddo ah hakad ku  jirey iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa markale, islamarkaana hannaankii wada-hadalladaas looga gaadhi lahaa xaqiiqo taabata dareenka labada dhinac.

Af-hayeenka Madaxweynaha Soomaaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo ka warbixiyay kulankaas ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha iyo safiirka UK ay ka wada-hadleyn arimo kale dhowr ah oo ay ka midtahay Doorashooyinka Soomaaliland Madaxweyne Muuse Biixine uu safiirka u caddeeyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashooyinkaasi xilligoodii ku qabsoomaan.

Ugu dambayntii waxa uu af-hayeenku sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu safiirka uga mahadceliyey doorka uu waddanka UK kaga jiro horumarka Somaliland, isaga oo safiirkuna dhinaciisa madaxweynaha ku bogaadiyey horumarka uu ku hogaamiyay Soomaaliland.