Uncategorized

Muuse Biixi oo amray in lasoo qabto dadka hurinaya colaadaha

Hargeysa-KNN-Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Somaliland ayey kaga hadleen arimaha ammaan ee degaanada Somaliland, waxeyna laga soo saaray go’aano lagu adkeynayo ammaanka magaalooyinka waaweyn ee deegaanada xukuumadda Somaliland.

Kulankaas ayaa waxaa shir guddoominayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaana sida la sheegay diiradda lagu saaray ammaan xumi ay sheegeen in maalmihii dambe ay kasoo cusboonaatay qeybo ka mid ah deegaanada Somaliland.

Markii uu soo gaba-gaboobay kulankaas ayaa waxa ay sheegeen goluhu in ay jirto amni daro sii baaheysa biyagoo isku raacay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.

Muuse Biixi ayaa ku amray Hey’addaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhiggaan shaqsiyaad uu sheegay in amni daro ay ka waddaan degaano ka mid ah Somaliland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag, halkaas oo ay ka jiraan dagaalo u dhaxeeya iyaga iyo Puntland sidoo kalana ay ka aloosanyihiin colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah.