Somali News

Muuse Biixi oo farriin adag u diray dowladda iyo mucaaradka Soomaaliya

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka codsaday madaxda dowladda Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka in aysan soo faragelin arrimaha siyaasadda ee xukuumadda Somaliland.

“Midowga mucaaridka ah ee Muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Muuse Biixi wuxuu sidoo kale sheegay in dadka adeegsanayo magaca Somaliland ee xilka xildhibaanimo ka raadsado Soomaaliya aanay iyagu matalin, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,”ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyanaha Somaliland.