Somali News

Muuse Biixi oo maanta u safray Jabuuti

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha  maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa uu u ambabaxay dalka Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaaraan dalka Jabuuti wefdiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti.  

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.