Somali News

Muuse Biixi oo Puntland usoo jeediyay in ay maxaabiista isdhaafsadaan

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha Soomaaliland muuse Biixi Cabdi oo xalay hadal ka jeediyay nasaabad casho aheyd laguna xusayay munaasabadda 18-ka May oo ku asteysan 28sano guuradii kasoo wareegatay markii Soonaaliland ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa baaq nabadeed u diray maamulka Puntland oo mudo ay ku dagaalamayeen gobolada Sool iyo Sanaag.

Muuse Biixi oo baaqiisa marqaati uga dhigayay waxgaradka aqoonyahanka iyo salaadiinta reer Soomaaliland ayaa sheegay in marka hore uu nabad iyo wada noolaasho igu baaqayo wadamada ey deriska yihiin oo sida uu sheegay ay Soomaaliya ugu horeyso, sigaara maamulka Puntland oo ay soohdin wadaagaan ayuu ugu baaqay wada noolaasho iyo in dagaalka loo bedelo wax wada qabsi iyo iskaashi dhexmara.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay haatan diyaar u yihiin in ay siidaayaan maxaabiis uu sheegay in Puntland ay uga qabsadeen dagaaladii ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, si lamidana uu Puntland ka rijeynayo in ay talaabadaasi la qaataan una sii daayaan maxaabiista ay ka hayaan oo uu sheegay in aysan xaq uleheyn in xabsi lagu siihayo.