Uncategorized

Muuse Biixi: Weerar cad ayay nagu soo qaaday Dowlada federaalku

Muqdisho-KNN- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa uu sheegay in xukuumada madaxwayne Farmaajo ay dagaal kula jirto heshiisyada ay Somaliland la gashay dowlada Imaaraatka Carabta iyo shirkada Dp World ee lagu wareejiyay maamulka dekada Berbera.

Muuse Biixi waxaa uu tilmaamay in qoraalka ay dowlada federaalku u gudbisay qaramada midoobay aanay ahayn mid ay kaga cabanayso Imaaraatka balse ay Somaliland uga dan leedahay si heshiisyada looga noqdo.

“Xukuumada Xamar ka dhisan waxay si badheedha ugula jirtaa heshiisyada aynu galno, waa niman aan ogoleyn inaad shaqeysato” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxwayne Biixi waxaa uu kale oo uu sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen qoraalo ay kaga jawaab celinayaan codsiga dowlada federaalku u gudbisay jimciyada quruumaha ka dhaxeyso.

Wax aan loo dul qaadan karin ayuu ku tilmaamay faro galin uu sheegay inay dowladu federaalku ka dhexdo deegaanada Somaliland ka taliso.

“Lama qaadan karo waxay wadaan nimankaasi waynu kala go’nay oo howsheena ayaanu wadeynaynaa, 100 sano ee soo socda waxay wadaa dowlada federaalku waa dhibaato ay dhex dhigtay jiilasha soo koraya” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Shirka jaraa’id ee madaxwaynaha Somaliland ayaa imanaya kadib markii uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta ugu sareysay Somaliland maalmihii lasoo dhaafay.

Xafiltan siyaasadeed ayay heshiisyada Somaliland la gashey dowlada Imaaraatka ka dhex dhalisay madaxwayne Farmaajo xukuumadiisa iyo xukuumada ka arrimisa deegaanada Somaliland.

Dowlada federaalka iyo golaha shacabka ayaa si iskumida uga horyimid heshiisyadaas.

Shacabka Soomaaliyeed intooda badana waxaa ay ka xumaadeen saamiga Itoobiya laga siisay maamulka dekada Soomaaliya leedahay.