Hargeysa-KNN-Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Soomaaliland oo la warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan qorsho lagu dhex-dhexaadinayo beelo ku dagaalamay deegaanka Dhumay oo 45 kiilomitar dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay dagaal beeleedka soo laalaabtay ee ka dhaca Deegaanada Soomaaliland, islamarkaana waxaa uu tilmaamay xal waara laga gaari doono.
Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa shaaca ka qaaday in wafdi ka socda Wasiirka arimaha Gudaha ,odayaal iyo Culimaa’udiin ayaa gaari doono Deegaanka Dhumey ee Gobalka Sool.
Dagaallada kusoo noqnoqday deegaanka Dhumay ayaa la sheegay inay ku salaysan yihiin aano qabiil iyo dhul, waxaana dagaallada ka dhacay halkaasi ku dhinta dad aad u fara badan.


