Uncategorized

Muwaadin Maraykan ah oo ka hor qirtey Maxkamad inuu ka tirsanaa ururka Al-shabaab

Maalik Alim Jones oo 32 sano jir ah ayaa maxkamad ku taal dalka Maraykanka ka hor qirtey in uu ka mid ahaa dagaalameyaasha Al-shabaab islamarkaana uu tababar Milatari ku qaatay gudaha dalka Soomaaliya.

Garsooraha Maxkamad ku taal Manhattan Paul Gardephe ayuu u sheegay Maalik in uu a Alshabaab ay siiyeen qoriga AK-47 si uu ugu dagaalamo. “Waan garanayay in falkaas uu yahay mid xadgudub ku ah sharciyada dalka Maraykanka,”ayuu yiri.

Maalik ayaa qiraalkiisa waxa uu ku oggolaaday in uusan wax racfaan ah ka qaadan xukunka lagu ridayo haddii konton sano uu ka yar yahay, Hase yeeshee dambiga lagu helay Maalik oo saddex dambi ah ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu mudan karo xabsi daa’in.

Jones oo ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Maryland kana soo jeeda Maraykanka madow ayaa u safray dalka Kenya sanadkii 2011 isagoo kadibna u gudbay dalka Soomaaliya halkaa oo ay tababar siiyeen Al-shabaab.

Mas’uuliyiin u hadashay Maraykanka ayaa waxa ay sheegeen in Maalik Jones uu muddo saddex bilood ah tababar ku saabsan aqrinta iyo tarjumida Quraanka iyo sida loogu dagaalamo AK-47 iyo weliba qoryaha gantaalada laga rido ay Al-shabaab siiyeen.

He then became a member of a specialized fighting force within al Shabaab known as Jaysh Ayman that carried out attacks and raids across the border in Kenya and participated in a battle against Kenyan soldiers in the Somali town of Afmadow, prosecutors said.

Kadibna waxaa uu ka mid noqday Dagaalameyaasha sida gaarka ah u tababaran ee Alshabaab ee loo yaqaan Jaysh Ayman,kuwaasoo weeraro ka geysta gudaha dalka Kenya.

Hase yeeshee Maalik Jones ayay ciidamada Soomaalida ka soo qabteen xeebta degmada Baraawe  dhamaadkii sanadkii hore, isagoo doonayay inuu doon u raaco dalka Yemen waxana uu ka baxsanayay Al-shabaab.