Somali News

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Canada

Muqdisho-KNN-Dalka Canada gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee la yiraahdo Weston and Lawrence ayaa la sheegay in lagu dilay muwaadin soomaaliyeed.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabijiray Kaafi Bashiir Bahweyn oo da’diisa lagu sheegay 30 jir waxaana toorrey ku dilay dhallinyaro kale oo la sheegay in ay iyaguna ahaayeen Soomaali.

Dalka Canada waxaa ku nool soomaali aad u badan,waxaa billihii dambe aad u sii batay dilalka loo geysto dhalinyarada soomaalida.