Uncategorized

Muwaadin Soomaali ah oo loo qabtay weerarkii ka dhacay Dalka Canada.

Edmonton-KNN- Booliska Dalka Canada ayaa gacanta ku dhigay Abdulahi Sharif oo ah 39 sano jir u dhashay Soomaaliya ka dib markii la sheegay in uu ku lug yeeshay weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Edmonton ee Xarunta gobalka Alberta ee Dalka Canada.

Laamaha amniga ee magaalada Edmonton ayaa sheegay in Abdullaahi Shariif ku lug lahaa weerarkii lagu dhaawacay Askari booliis ah iyo dadkale, markii lagu weeraray gaari dad ku sugan meel wadada ka baxsan.

Saraakiisha Booliska Edmonton ee Dalka Canada ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga weerarka lagu fuliyey laga helay calanka ISIS, sidaasi darteedna ay arrintan u qaadanayaan mid Argagixiso, waxaana weli socda baaritaano arintaasi la xariira.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay weerar argagixiso, cidii ku lug yeelatana sharciga la marsiin doono.

Hadii ay ku cadaato Abdullaahi Shariif in uu ku lug lahaa weerarkaan ayaa waxa ay noqoneysaa dhaawac soo gaaro kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee Dalka Canada oo aad looga qiimeeyo sidoo kalane ka mid ah Wadamada ugu wanaagsan oo ay ku nool yihiin Dadka Soomaaliyeed waxana la sheegaa in Canada aad loogu soo dhaweeyay Soo galootiga Soomaalida qaar koodna ay xilal sar sare ka hayaan Dowladda Wadankaasi.