Uncategorized

Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid noday Wasiirda Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Dowladda Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqay Golahiisa Wasiirada waxaana ka muuqata Isbadal dhinaca Qowmiyadaha Dalkaasi daga.

Axmed  Shidde waa muwaadin Soomaaliyeed waxa uuna ka soo jeeda Soomaali Galbeed oo ay Itoobiya maamusho, waxaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta Dowaldda Itoobiya.

Axmed  Shidde ayaa ka tirsan Xisbiga Talada haaya ee Dowlad deegaanka Soomaali Galbeed waxaana lagu badalay Wasiirkii Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho.

Ra’iisal Wasaare Abiye oo Baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa ka codsaday in ay u meel mariyaan 6 wasiir oo uu ku sameeyay isku shaandheyn iyo 10 Wasiir oo cusub,kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Itoobiya.

Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya oo ka kooban 547,xubnood waxaa ay ka tirsanyihiin Xibsiga talada haya ee EPRDF,mana jirin cabsi ah in Golaha Wasiirrada cusub ay weynayaan kalsoonida Baarlamaanka.