Muqdisho-KNN-Nin Somaali ah oo lagu magacaabo Ali Khaliif Shire ayaa waxaa lasoo istaajiyay Maxkamad ku taalla Magaalada Melbourne ee dalka Australlia.
Ali Khaliif oo 21jir ah ayaa waxaa lagu Soo eedeeyay in uu isku dayay in uu weerar ka geesto bartamaha Magaalada Melbourne xilliga la dhigayo Xafladda Sanadka Cusub.
Mr Kahliif ayaa waxaa Ay Ciidamada dalkaasi gacanta kusoo dhigeen Bishii November ee Sanadkii hore 2017-kii Kadib Howgal laga Sameeyay Xaafadda San Jose oo katirsan Melbourne.
Ciidamada Police-ka Federaalka Australlia ee AFP magacooda losoo gaabsho ayaa sheegay in ay ninkan ka tixraaceen Codod iyo Farimo uu dad kale kala wadaagay Telephonkiisa, waxa ayna sheegeen in ay Muddo ku daba jireen inta aysan gacanta kusoo dhigin.
Maxkamdda ayaa la filayaa in xilli aan sidii usii fogeeyn ay ka gaarto go’aan rasmi ah lana rido xukunkan ninkan, madaama ay Ciidamada Police-ku ku andacoonayaan in ay Hayaan cadeeymo rasmi ah oo biyo kama dhibcaan ah.
Wadamada Bariga Iyo Galbeedka Caalamka oo Soomaali badan ay uqaxeen ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacday in dhalinyaro Soomaali ah lagu soo eedeeyo Falal amaanka liddi iyada oo qaarkoodna kal hore la xukumay oo ay ku jiraan Xabsiyada wadamada ay magan galya doonka utageen.