Somali News

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Koonfur Afrika-KNN-Ganacsade Soomaaliyeed ayaa xalay Kooxo Burcad Koonfur Afrikaan ah waxay ku dileen goob ganacsi oo uu ku lahaa Gobolka Mpumalanga ee dalka koonfur Afrika.

Ganacsadaha la dilay oo ahaay wiil dhalinyaro ah ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir, waxeyna Burcadu ku dhex dileen goobtiisa ganacsi oo la sheegay inuu dhowaan ka yagleelay degaan ka tirsan gobolka Mpumalanga ee Wadanka koonfur Afrika.

Marxuumka xalay lagu dilay Koonfur Afrika ayaa la sheegay in uu dalkaas ku noolaay 9-bilood oo kaliya, wuxuuna wax ka yar sanad moogaay magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe oo uu yaraantiisii ku noolaa jiray.

Burcadii dalka u geysatay marxuumka ayaa Goobta is kaga  baxsatay, waxaana Meydka Muwaadinka Soomaaliyeed Goobta ka qaaday qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka ag dhoweed nawaaxiga lagu dilay.