Somali News

Muwaadin soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka naga soo gaaraya Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in magaalo  ka tirsan dalkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi, kadib markii toorey lagu dhaawacay

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Cape Town ee Caasimadda Koonfur Afrika, waxaana Muwaadinka Soomaaliyeed falkaas u geystay  kooxo hubeysan oo burcad ahaa.


Marxuunka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahim C/llaahi Maxamed oo kamid ahaa Soomaalida Ganacsi ahaan u tegay dalkaasi Koofur Afrika.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in Maalmo ka hor ay tooreey Wadnaha kaga dhufatay Haweeneey ay murmeen, kaddib khilaaf soo kala dhex-galay, waxaana uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla degaanka Kalaamos oo ku dhow Tuulada Paarl ee Magaalada Cape Town