Muqdisho-KNN-Magaalada Derban ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah oo weerar ku qaadan muwaadinkan oo ku sugnaa afafka hore ee goob uu ka shaqeynayay.
Muwaadinka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sheekh Xuseen Waxaana da’diisa lagu Sheegay 57 sano, Waxaana markii dambe ay halkaasi meydkiisa ka qaadeen Booliska wadanka Koonfur Afrika iyo qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.
Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa sii kordhayaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku nool dalka koofur afrika.
Kumaan muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa xiligan waxaa ay dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan Kooxo burcad ah oo ku sugan dalka koofur afrika.