Somali News

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Muqdisho-KNN-Burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa  waxaa ay weerar ku qaadeen xarun ganacsi oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Muwaadinka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay  Zakariye Muxudiin Xeyle,waxaana lagu  dilay  Goob Ganacsi oo ku taalla  degaanka Krainfontain oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika, iyaga oo dhowr xabood ku dhuftay,isla markaana isla goobta uu ku geeriyooday.

Raggii weerarka ka dambeeyey ayaa halkaasi isaga baxsaday, iyaga oo sii qaatay lacago iyo agab kale oo dukaanka yaallay.

Booliiska Koonfur afrika oo goobta gaaray waxa uu sheegay iney wadaan baaritaanno, ayna ku raad-joogaan dadkii falkaasi ka dambeeyey.

Dhibaatooyin badan ayey muwaadiniinta Soomaaliyeed kala kulmaan Koonfur Afrika, mana jirto cid illaa iyo hadda wax ka qabatay.