Somali News

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in magaalo  ka tirsan dalkaas lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ah dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

Dilkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Cape Town ee Caasimadda Koonfur Afrika, waxaana Muwaadinka Soomaaliyeed falkaas u geystay  kooxo hubeysan oo burcad ahaa.

Kooxda ayaa weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdifitaax Aweys Axmed, isaga oo ku sugnaa meel aan ka fogeen Goobtiisa Shaqada oo ku taalla tuulo hoostagta Magalada Cape town.

Intaasi kadib goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa tegay qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed, iyagoona halkaas ka qaaday Meydka Marxuumka la dilay. Inta badan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan oo loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas ku leh ganacsiyada kala duwan, iyadoona aysan jirin weli cid wax ka qabatay falalka Koofur Afrka loogu geysanayo dadka Soomaaliyeed.