Uncategorized

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo magaalada Pretoria  ee Dalka Koofur Afrika  ayaa sheegaya  in Burcad Koonfur Afrikaan ah toogasho ku dileen Ganacsade Soomaali ah oo ku sugnaa Goobtiisa Ganacsiga ee dalkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in xalay lagu dilay deegaan u dhow magaalada Pretoria ,xili ay uu kasii baxayey  Goobtiisa shaqo,Waxaana  daqiiqado kadib lagu dilay meel u dhaw Bosteejo Gawaarida laga raaco oo ku taala dalkaasi.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Khaliif Maxamed Jimcaale, waxa uuna ahaa wiil dhalinyar oo muddo ku sugnaa Dalkaasi.

Waxaa maalmihii dambe sii kordhaya dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka koofur afrika,Booliska Dalka Koofur afrika ayaa marar badan waxaa ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan dilalkan loo geysanayo ganacsatada soomaaliyeed ee dalkaasi,hayeeshee weli ma muuqdaan qorsho looga hortagayo falalkan lagula kacayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.