Somali News

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Magaalada London

London-KNN-Warbaahinta dalka Ingiriiska  ayaa saakay daabacay in muwaadin soomaaliyeed xalay lagu dilay bartamaha magaalada London ee dalkaasi

Sida ay xaqiijiyeen booliiska magaalada London wiilkan soomaaliga ah ayaa waxaa dilkiisa gaystay koox ku hubaysan Toorey, islamarkaasina uu la geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nuur Bashiir Salaad, kaasi oo in muddo ah uu ku noolaa magaalada London.

Booliiska magaalada London ayaa waxaa ay warbaahinta dalkaasi u sheegeen inay samaynayaan baaritaano dheeraad ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyay dilka Nuur Bashiir Salaad ee hadana ka baxsaday gacanta booliiska markii ay soo qabtaanna ay makamad horgeyn doonaan.

Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay dilalka loo geysanayo dhalinyarada soomaalida ah ee ku nool dalkaasi, taasi oo walaac xoogan ku abuurtay waalidiin soomaalida ah, iyagoo taasi badalkeed ay kaga falceliyeen inta badan inay  caruurtooda guryaha ku hayaan.