Uncategorized

Muwaadin Soomaaliyeed oo mar kale loo doortay in uu ka mid Noqdo Garsoorayaasha Maxkamadda Hague.

Muqdisho-KNN-Cabdi Qawi Axmed Yuusuf oo ah muwaadin Soomaaliyeee ayaa mar kale dib loogu doortay inuu garsoore ka ahaado maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee Dalka Holand.

Garsoore Cabdulqawi ayaa maxkamaddaasi garsoore kasoo ahaa sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana mar kale dib loogu doortay inuu ka mid noqdo 15-ka garsoore ee maxkamaddaasi.

Garsoore Cabdulqawi ayaa ka mid ahaa shan garsoore oo maanta oo cod u qaaday Golaha Guud ee Qaramada Midobay ee magaalada New York.

Cabdi Qawi ayaa Garsoore ka ahaa Maxkamadda Hague sagaalkii sano ee la soo dhaafay.