Uncategorized

Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo u xirnaa dambi uusan galin oo Magdhow la siiyay

Muqdisho-KNN-Xaashi Cumar Xasan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo muddo dheerna ku xernay dalka Talyaaniga ayaa Maxkamad racfaanka magaalada Perugia ee dalkaasi waxay u xukuntay lacag magdhow ah oo gaareysa 3.181 Milyan oo Euro kadib sanooyin si qalad ah oo u xirnay darteed.

Maxkada ayaa sheegay Xaashi Cumar Xasan in lagu waayay dambigii mudda dheer uu xabsiga ugu jiray islamarkaana uu u ahaa eedeysane.

Xaashi Cumar ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay ama uu ku lug lahaa dilkii loo geystay wariyaasha kala ah, RAI Ilaria Alpi iyo sawir qaade Milan Hrovatin oo lagu diley magaalada Muqdisho sanadkii 1994tii.

Bishii October sanadkii 2016 ayaa Xaashi laga daayay Xabsiga kadib markii qareennadii u doodayay ay ku guuleysteen in dambi lagu waayo.

Alpi, oo 32 jir ahayd iyo Hrovatin, oo 45 jir ahaa ayaa Gaari ay wateen waxaa weerar ku qaaday Malleeshiyo hubeysan March 20, 1994, kuwaas oo xilga weerarka lagu qaadayay marayay bartamaha Magaalada Muqdisho.

Wariye RAI Ilaria Alpi ayaa Soomaaliya u tagtay si ay u baarito eedeymaha sheegaya, in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen shirkado waxyaabo wasaq ah ku shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ka dagaalamayay horaantii sagaashameeyadii.

Gabadhaan ayaa tagtay magaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaala oo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ka hor in aan lagu dilin magalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xaashi Cumar Xasan oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ee hadda helay lacagta magdhowga ah ayaa dalkaasi Talyaaniga tagay sanadkii 1998 bishii koobaad.