Uncategorized

Muwaadin Soomaaliyeed oo Xalay Lagu Dilay koofur Afrika.

Pretoria-KNN-Wararka laga Helayo Duleedka Magaalada Pretoria ee Dalka koofur Afrika ayaa waxaa ay ku waramayaan in muwaadin  Soomaaliyeed xalay  lagu dhex gubay goobtiisa  ganacsi oo ku taala dalkaas.

Dablay Burcad koofur Afrikaan ah ayaa la Tilmaamay  in muwaadinkas  ay ku dhex gubeen goobtiisa ganacsi oo ku taala magaalada Pretoria,Waxaana la Sheegay in kooxihii dilka geystay ay Sidoo kale Boobeen Xaruntiisa.

Ciidamada Amanka ee Dalka koofur Afrika ayaan Weli ka hadlay Sababata keentay in dilkan loo geysto muwaadinkan Soomaliyeed,Maadaama Mudooyinkii dambe ay soo kordhayeen Dilalka lagula kacayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka South Africa Jamaal Barrow oo la hadlay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa Sheegay in Xalay la Dilay muwaadinkan Soomaaliyeed,Hayeeshee ma jirin faahfaahin intaas dhaafsan oo sheegay Safiirka.

Dilalkan  ayaa qeyb ka ah dhibaatada Dableyda burcadda ah ay ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika.