Muqdisho-KNN-Muwaadiniin Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in dalka Koofur Afrika ugu geeriyoodeen cudurka coronvirus.
Inta la xajiiyay waxaa magaalada Capetown ee dalkaasi ku geeriyooday hal qof oo Soomaali ah, kaas oo tirada guud ee dalkaasi ugu dhintay ka dhigeysa 5 ruux, maadaama ay horay u dhinteeen 4 ruux.
Waxaa jirta cabsi soo wajahday muwaadiniint Soomaaliyeed ee dalkaasi Koofur Afrika ku nool, xilli dalkaasi uu ku sii fidayo cururkan.