Uncategorized

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay Maraykanka.

Ohio-KNN-Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Columbus  ee Ohio lagu dilay C/laahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka.

Muwaadiniintaan ayaa lagu dhax dilay Gaari ay wateen iyaga oo ku sugan Magaalada Columbus  ee Dalka Maraykanka lagumana guuleysan in la soo qabto dadkii dilkaas ka dambeeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool USA ayaa walaac ka muujiyay Arintaan waxayna isugu baaqayn in taxadir xoog leh la muujiyo maadaama ay soo kordhayn weeraro ka dhan ah Soomaalida.

Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ayaa ku baaqay in arintaan la daba galo waalidiintana ay il gaar ah ku eegaan Carruurtooda, si gaar ah Soomaalida Maraykanka.