Uncategorized

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maxkamad ku taala Mareykanka ku eedeeysay in ay lunsadeen lacag samafal loogu tala galay

Muqdisho-KNN-Labo Nin oo Soomaali ah ayaa lagu eedeeyay Dambi ah in ay samafal qiyaameen, sida ay warisay warbaahinta Mareeykanka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Maine ayaa sheegay in Cabdi rashiid Axmed oo 28 jir ah iyo Garad Cusman oo 32 jir ay si qalad ah u qaateen daryeelka caafimaafka gaarka ee gaara 200 oo dollar qofkiiba.

Cabdi Rashiid waxaa lasheegay in uu weeydiistay xafiiska laga bixiyo daryeelka caafimaadka in uu helo Adeeg isagoo ku badalanaya wax qabad uu xafiiska siinayo.

Sida eedeeynta ku xusan Labadaan nin ayaa Xafiiiska ugu Abaal guday in ay ugu shaqeeyeen Turjumaan ahaan.

Qoraaladda wax kaamadda ayaa lagu sheegay in Axmed uu helay ugu yaraan 23,700 oo dollar oo uu ka qaatay dadkii Bukaanka ahaa in tii u dhexeeysay October 2015 kii iyo December isla sanadkaas.

Ninka kale ee lagu Magacaabo Garaad Cusmaan ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in uu helay ku dhawaad 7000 oo dollar.

Isbuucii lasoo dhaafay ayaa lasoo xiray ragaan oo hadda wajahaya eedeeymo ah in ay Qiyaameen Samafalkii dowladda.

Eedeeynta ragaan waxaa dhageeystay guurti fadhisay Maxkamad faderaal ah, walina lama xukumin.