Somali News

Muwaadiniinta Mareykanka ee dalka Ciraaq oo saacadaha soo aadan ka baxaya dalkaasi.

Tobonaan kamid ah muwaadiniinta dalka Mareykanka ee ka shaqeeya gudaha dalka Ciraaq ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay dalkaasi iskaga baxaan.
Shaqaalahan ayaa badankood ka shaqeeya warshadaha saliida ee ku yaalo koonfurta magaalada Basra.
Shaqaalahan ayaa waxaa lasoo daristay cabsi xoogan kadib markii dowladda Mareykanka ay xaqiijisay in duqeen dhanka cirka ah ay ku dileen hogaamiyaha xoogaga Iiraaniyiinta ah ee Qudus General Qaasim Suleemaani iyo ku xigeenkiisii.
Safaarada Mareykanka ee magalada Baqdaad ayaa ku dooday in muwaadiniinta Mareykanka ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Ciraaq kadib saacdo markii uu wareerku dhacay.
Dowladda Iran oo dhankeeda ka hadashay weerarka ayaa sheegtay in ay aargoosan doonto.