Somali News

Muxuu guddoomiyaha golaha shacabka kala hadlay warbaahinta?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa-banaan iyo weliba qaar ka mida ururada saxaafadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo saxafiyiinta ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin, diyaargarowga doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya iyo weliba doorka ay saxaafadda madaxa banaani ka qaadan karto tebinta doorashada.

Sidoo kale, Saxafiyiinta kulankan ka qaybgashay ayaa guddoomiyaha la wadaagay cabashooyin ay ka qabeen guddida doorashada ee labada aqal ee maamulaysa doorashada, kuwaas oo saxaafadda madaxa banaan ka hor istaagay inay tebiyaan doorashada, gaar ahaan inay gudaha u galaan goobta doorashada loo asteeyey ee Taandhada ku taalla xerada Afisyooni.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo maalintii koowaad ee hadaljeedinta musharixiinta Madaxweynaha qaar ka mid ah Wariyeyaasha ay sheegeen in is hor istaag shaqo ay ku sameeyeen xubno ka mid ah Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha, balse maalinkii labaad loo ogolaaday inay tabiyaan khudbadaha musharixiinta.