Somali News

Muxuu Lafta gareen kala hadlay Ururada Haweenka G.Bakool?

Xudur-KNN-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Xudur ku Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool, kuwaas oo uu ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo ka qeybqadashada hormarka Gobolka iyo Xaqiijinta Amniga.

Ururada Haweenka Gobolka Bakool ee ka qeybgalay kulanka ayaa Madaxweye Lafta gareen Warbixin ka siisay doorka  jaweenka ee ka qeyb gaadashada Amniga iyo Hormarka.

Madaxweynaha ayaa Haweenka Gobolka Bakool uga Mahadceliyey dadaalkooda ku aadan Dowlad dhiska iyo ka shaqaynta Amniga.

“waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabka ku nool gobolka bakool,baahiyaha aad soo gudbiseen sida ugu dhow ayaan wax uga qaban doona, hormarka iyo amniga gobolka qof waliba ayaa mas’uuliyad ka saarantahay, waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan ufurno wadooyinka bulshadana ay uhelaan waxa ay ubaahanyihiin.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta gareen ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada degmada Xudur ka wado kulamo kala Duwan oo uu la qaadanayo Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.