Somali News

Muxuu maanta ka hadlay Wasiir Cawad?

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta waxaa uu Muqdisho kula kulmay Safiiradda dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya waxaana ay ka wada hadleen arrimo quseeya Soomaaliya iyo Sudan.

Wasiir Cawad oo Shirka kadib la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay sababtii ay Dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Jamhuuriyadda Guinea.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Guinea ay si cad ugu xad gudubtay Qaranimadda iyo midnimadda Soomaaliya islamarkaan ay qayb Soomaaliya ka mid ah u  casuuntay sida Dowlad madax-banaan.

Talaabadda ay qaaday Dowladda Guinea ma ahan xad-gudub keliya balse waxay sidoo kale saameyneeysaa dib u heshiisiinta umadda Soomaaliyeed, sida uu Wasiirku sheegay.

Shir Jaraa’id ee uu Khamiistii ku qabtay Muqdisho ayaa Wasiir Cawad waxaa uu ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay xiriirka u jartay Xukuumadda Conakry, oo uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maamuus heer sare ayaa lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Biixi markii uu tagay Caasimadda Guinea ee Conakry waxaana uuna la shiray Madaxweyne Alpha Conte.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay Soomaaliland u aqoonsantahay qayb ka mid ah Soomaaliya islamarkaana uusan jirin Dal u aqoonsan kara wadan madax-banaan.

Waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay jiraan dalal khatar gelinaya midnimadda iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed islamarkaana wada olole ka dhan ah midnimadda Soomaaliya.

“Waxaan u sheegnay Beesha Caalamka in ay jiraan Khatar iyo olole khatar gelin kara midnimadda, iyo madax banaanida Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Cawad.

“Waxaan u sheegnay in ololahaas socda ay ka mid yihiin dalal la yaqaano, sidaa daraadeed waxaanu codsanay in aduunku naga kaalmeeyo in ay u sheegaan dalalka aduunka in ay ka daayaan Soomaaliya dhibka iyo lugooyadda” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in uu safiiradda dalalka Caalamka kala halday in ay Dowladahooda ogeeysiiyaan in aysan la macaamilin maamul Goboleedyadda Soomaaliya Dowladda Faderalka oo aan ogeyn.

Dhanka  kale, Wasiir Cawad ayaa sheegay in uu Safiiradda Caalamka u jooga Soomaaliya kala hadlay in arrnta Sudan iyo in la taageero horumarka laga sameeyay wadahadaladii dhexmaray Mucaaradka Sudan iyo Golaha ku meel gaarka ah ee military-ga.

Kulanka maanta ee uu Wasiirka Arrimaha Dibadu la yeeshay Safiiradda Caalamka ayaa u muuqda mid Dowladda Soomaaliya uga hortageeyso maamul goboleedyadda Dibadda ku xiran iyo dadaalka Soomaaliland ay ku raadineeyso aqoonsiga.