Somali News

Muxuu Sacuudigu ka yiri in la mamnuuco badeecada ka timaadda Faransiiska?

Sacuudiga ayaa cambaareeyay sawir-gacmeedyada la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxamad (NNKH), balse wuxuu ka gaabsaday baaqyada dalalka kale ee Islaamka ee lagu mamnuucayo wax soo saarka Faransiiska.

Sarkaal u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudiga ayaa sheegay in boqortooyadu ay cambaareyneyso dhammaan falalka argagixisanimada, oo uu ula jeedo gowricii lagula kacay macallinkii Faransiiska u dhashay, ee ardayda tusay sawir-gacmeed la sheegay in laga sameeyay Nabi Muxammad NNKH.

Madaxweynaha Turkiga ayaa ku baaqay in la mamnuuco badeecada ka timaadda Faransiiska, iyadoo baarlamaanka Pakistan uu sidoo kale meel mariyay qaraar ku boorrinaya dowladda inay u yeerto safiikeeda ka jooga Faransiiska.

Gudaha Sacuudiga, baaqyada ah in la mamnuuco wax soo saarka Faransiiska ayaa qabsaday baraha bulshada, balse wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in magaalada Riyadh aanan laga dareemeynin mamnuucidda alaabaha ka timaadda Faransiiska.