Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kadib, martiqaad uu ka helay Madaxda dalka Itoobiya,sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay Madaxtooyadd, Somaliland.
Biixi Cabdi oo diyaarad khaas ah ka raacay madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkiisa ku wehelinayey Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire,iyadoo ay ka sii horeeyaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Ciise Kayd, Wasiirka Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ataash.
Booqashada Madaxwaynahe biixi ku tagayo dalka Itoobiya aya waxa uu la kulmi doonaa sida ay sheegtay Madaxtooyada Somaliland, Madaxda Itoobiya oo ay ka wada hadli doonaan nabadgalyada Geeska Afrika.
Macadda ujeedka Safarka biixi ee Itoobiya iyo in uu casuumaad ka helayay Itoobiya balse Maamulka biixi ayaa mudooyinkii danbo waday wax lagu sheegay ictiraaf raadis, Waxaana safarkaani kusoo aadayaa xili doorashooyin kusoo food leeyihiin Somaliland.