Somali News

MW.Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo shir xasaasi ah uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Waxa maanta kulan ku yeelanaya  Villa Somalia madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ujeedka kulankan ayaa waxa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya madaxda dawladda iyo madaxdii hore ee dalka. 

Sidoo kale waxaa shirka looga hadli doonaa xayiraaddii la saaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, kuwaas oo la saaray xilli ay doonayeen in ay safarro kala duwan ku tagaan magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne, kaas oo dhaliyay muran aad u fara badan,doorashooyinka uu dalku geli doono 2021,sidii loo soo afjari lahaa khilaafka labada dhinac iyo arrimo kale.

Marka uu shirku u soo dhammaado madaxdii hore iyo madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa la filayaa in madaxdii hore ahna hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ay la hadlaan warbaahinta si ay ugu sheegeen, waxyaabihii ka soo baxay shirka .

Halkan Kala Soco