Muqdisho-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxaweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa malmahan waxa ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, halkaasi oo ay uga qayb galayeen shirka Dadweynaha iyo Horumarinta Nairobi.
Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Nairobi waxa uu kulan doceedyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka soo qeyb galay shirkaasi.
Kulan xalay magaalada Nairobi ku dhexmaray madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta madaxweynaha Kenya, ayaa waxaa ay isla afgarteen labada dhinac qodobo ay kamid yihiin , In xiriirka labada dal lagu celiyo sidii caadiga ahayd ,Duullimaadka tooska ah ee Muqdisho in dib loogu soo celiyo toddobaad gudahiis,Xoojinta xiriirka ganacsiga ee labada dal,
Saraakiisha Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah in ay dal ku galka ay ka qaataan Garoomada Nairobi.


