Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Asmara ee caasimadda u ah dalka Eriteria.
Madaxweynaha iyo xubno wafdi ah oo safarkiisa ku wehliya ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Asmara ku soo dhaweeyay dhiggiisa dalkaasi .
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu kulamo la qaadan doonaa masuuliyiinta dawladda iyo madaxweynaha dalkaasi, iyagoo wada hadli doona arrimo muhiim ah inta uu ku sugan yahay magaalada Asmara ee dalka Eriteria.


