Somali News

MW Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday garab istaaga Ciidamada Xoogga

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii, ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo shuhadadii aynu ku weyney weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii arxan darrada ahaa ee aynu ku waynay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimadeenna.

“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.”

Madaxweyne Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in geesiyaasheenna Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen ciribtirka haraadiga argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.