Somali News

MW Xasan Shiikh oo isku dayaya inuu maareeyo mucaarado ka dhan ah Xukuumadda cusub + Warbixin

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa 23-kii bishii may ee sanadkaan la wareegay tallada dalka, iyadoo uu dhaawac weyn soo gaaray safarkii dheeraa ee dib u dhiska dowlad Soomaaliyeed oo dalka ka saartaa burburkii iyo colaadii lagu jiray wixii ka dambeeyay 1991-kii.

Xasan Shiikh markii uu tegay xartunta madaxtooyada Soomaaliya waxaa uu dhaxlay dowlad uu soo gaaray qalqal iyo dhaawac culus una baahan daryeel iyo dib u abuurida kalsoonida bulshada Soomaaliyeed iyo saamileydii siyaasada oo meesha ka baxday, waana sababta keentay inuu ku daaho xulashada Wasiirkiisa koowaad ee xukuumadda, sidoo kalena aan ilaa hadda lasoo magacabin Golaha Wasiiradda.

Muddo maalmo oo safar dibadda ah oo u badnaa boog dhayid sida ay sheegeen Saraakiisha madaxtooyada hada waxaa uu bilaabay inuu kulamo wadatashi ah la yeesho xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kullamadaan oo bilowday labadii habeen ee ugu dambeysay, ayaa la sheegay inay dhamaad u yihiin wadatashiyadii dhimasha xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Iswaafajinta nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo xulshada siyaasiyiin ka shaqeyn kara horimarinta Soomaaliya ayaa ah caqabada ugu weyn ee waqtigaan heysato Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyadoo ay usii dheer tahay siyaasiyiin badan oo qeyb ka ahaa halgankii lagu diiday muddo kororsigii madaxweyne farmaajo oo raba inay iska dhex arkaan xukuumadda Soomaaliya.

Hadaba Sidee ayuu Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamud ugu xeeleysan karaa xaaladda uu hadda ku jiro ee dhimasha dowladdiisa?

Sidoo kale, waxaa jira waalac badan oo laga qabo in siyaasiyiinta qaar eek u hunguuba baadi goobka ee ka mid noqoshada Xukuumadda Soomaaliya ay usii diyaar garoowbayaan inay la yimaadaan mucaarado ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh, taasoo markale keeni karta in laga shaqeyn waayo mowjado siyaasadeed sidii qabsatay dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka dhageyso Warbixin ay Warbaahinta KNN idin kaga diyaarisay xogaha ku geedaaman arrintaan, waxaana soo jeedinaya Xuseen Cabdulle Maxamed.