Somali News

MW Xasan Shiikh oo kulan la leh Xildhibaano ka tirsan BFS

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta kulan kula leh Madaxtooyada Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Kuwaas oo laga soo doortay Dowlad Goboleedka Jubbland.

Warar ayaa sheegaya in kulanka u dhaxeeyaya Madaxweynaha iyo Xildhibaannada looga hadlayo soo magacaabida Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre. taas oo la filayo in lagu dhawaaqo dhawaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la kulmayay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, isagoo ka dalbanayay inay codkooda kalsoonida siiyaan xubnaha lagu dhawaaqi doono ee Golaha Wasiirada.

Kulankaan kuwii ka horreeyay waxaa ka mid ahaa kii uu la qaatay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, islamarkaana laga soo doortay DG Galmudug , kuwaas oo uu Madaxweyne Xasan kala hadlay sidii ay u ansixi lahaayen xukuumadda cusub.

Sidoo kale, wuxuu usoo jeediyay inay kala shaqeeyaan xubnahaas  xaaladda adag ee uu dalka ku jiro sidii looga samatabixin lahaa. Maadama ay dalka ka jiraan Abaaro dadka iyo duunyada si guud saameyn ugu yeeshay.