Muqdisho–KNN–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan Qorsheyaal lagula Dagaalamayo Dagaalameyaasha Al-shabaab si Dalka loogu soo celiyo Xasilooni iyo kala dambeyn.
Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xusay in loo baahan yahay in Al-shabaab lagula dagaalamo Goobaha ay Joogaan,haddii aan lala Dagaalamina aan Magaalada Muqdisho laga Difaaci Karin,wuxuu Tilmaamay in la Diyaariyay Ciidamadii Al-shabaab Weerarka ku qaadi lahaa.kuwaas oo Howlgaladooda qaadi doona Bilaha soo socda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Dagaalameyaasha Al-shabaab laga saari doona Dalka Mudo ku siman Labo Sano islamarkaana Dalka uu noqon doono Mid laga Xoreeyay Al-shabaab.