Kismaayo–KNN–Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta tagay Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose islamarkaana uu uga qeyb geli doono Shirka Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
M/weyne ayaa sheegay in Khilaaf uu ka dhex jiro Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in ay ka wada hadlaan Khilaafka u dhexeeya.
“Dowladda Federaalka iyo anigu wax ayaan kala Tirsaneynaa,waxaan leeyahay aan wada hadalno oo aan ka shaqeyno Danta iyo Maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, Dowladda Soomaaliya Cadawga hala dagaalanto ee anaga yeysan nala dagaalamin “ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.
Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Madaxweynaha Galmudug Xaaf.