Somali News

Nabad sugida Jubaland oo soo bandhigay dagaalame ka soo goystay Al-shabaab

Kismaayo-KNN-Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland ayaa lagu soo bandhigay nin la sheegay in uu horay ugu tirsanay kooxda Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Jubaland Axmed Muuse Xirsi ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu soo bandhigayay dagaalamahaasi oo magaciisa lagu sheegay Aadan Huudow Cabdi.

Taliyaha ayaa sheegay in Aadan markii uu ka soo goosanaayay Al-shabaab uu watay Qori AK47 ah iyo Qasnado rasaas ay ku jirtay, waxaana taliyaha uu tilmaamay in loo lacageeyay Qorigaas iyo Rasaastii uu watayba.

Taliyaha Ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka ee maamulka Jubaland Axmed Muuse Xirsi ayaa dagaalamayaasha kale ee ku haray kooxda Al-shabaab ka dalbaday in ay ka baxaan Al-shabaab iskuna dhiibaan maamulada dalka ka jira iyo dowlada dhexaba si mustaqbalkooda ay u qurxiyaan.