Uncategorized

Nabad sugida Jubbaland oo maanta soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ku howlanaa falal amni dara ah

Kismaayo-KNN-Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee maamulka Jubband ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamullaasi ku soo bandhitay nin ay sheegeen in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabab.

Kaas oo Ciidamadu ay sheegeen in gacanta ay ku soo dhigeen isagoo waxyaabaha qarxa ku aasayay duleedka magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana magaciisa lagu sheegay C/Fataax Xaashi Cali.

Korneyl Axmed Muuse madaxa Hay’adda dambi baarista Maamulka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay goobta eedeeysanahaas lagu soo bandhigayay ayaa sheegay in Alshabab ay C/fataax ay u soo dirsadeen in falal amni daro uu ka fuliyo deegaanada Jubbaland inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Eedeeysanahaasi ayaa la soo qabtay sida ay sheegeen Saraakiisha xili Ciidamada ay sameynayeen howgalo baaritaano.