Somali News

Nabad Sugidda Jubbaland oo sheegay in ay fashiliyeen Miino loo aasay

Kismaayo-KNN-Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Jubbaland gaar ahaan kuwa ka howl gala   Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ku guuleysteen suu saarida  Miino Al-shabaab ay ku aaseen goobo ku yaalla degmadaas.

Captain Axmed Garab Gooye Taliyaha Nabad Sugida Jubbaland ayaa sheegay in  Miinada ay soo saareen la doonayay in dadka shacabka ah ee ku dhaqan Baardheere lagu dhibaateeyo.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamadu ay wadaan Baaritaano arintaas la xariira, isagoo xusay in dad loo soo qabtay falkaas baarisna lagu hayo.

 War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Hey’adda Nabadsugidda Jubbaland ayaa lagu yiri, “Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ee Degmadda Baardheere ayaa miinadan xalay ka soo saaray goob ay ku aaseen Alshabaab iyagoo doonayay in ay dadka shacabka ah ku dhibaateyaan Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad sugida Degmada Baardheere Captain Axmed Garab gooye ayaa sheegay in lagu raad joogo ragii dhigay miinadan,”

 Nabad Sugidda Jubbaland ayaa dhowr jeer soo ban dhigay waxyaabo qarxa oo ay sheegeen in ay fashiliyeen