Uncategorized

Nabadoon Axmed Diiriye oo Xalay ku geeriyooday Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka mid ahaa nabadoonada sida weyn looga yaqaano Gobolada Koofureed ee Soomaaliya.

Wiil uu dhalay  nabadoonka oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay xanuunsanaa Axmed Diiriyer isla markaana  xalay ku geeriyooday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ahaa Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye, waxaa lagu xusuustaa qeybtii uu ka ahaa dhaq dhaqaaqii looga soo horjeeday Ciidamadii Itoobiya soo galay Soomaaliya sanadkii 2006-dii.

Sidoo kale waxaa mar lagu xiray Muqdisho, iyadoo loo sii gudbiyay magaalada Baydhabo oo muddo uu ku xernaa saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Waxaa uu ka mid ahaa Odayaashii dhaqanka ee taageerayay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009-kii.

Allaha u naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye ayaa waxaa lagu wadaa in lagu aaso Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud.