Somali News

Nabadoon lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Alle ha u naxariistee koox hubeysan ay dileen Marxum Cumar Arbacow Ibraahim oo ka mid ah Ganacsatada iyo odayaasha deegaankaasi.

Goob joogayaal ayaa KNN u sheegay in Marxuumka ay toogasho ku dileen dhalinyaro ku hubeysanaa bastoolado waxayna ku dhax-toogtayn goob ganacsi uu ku lahaa Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Cumar Arbacow Ibraahim sidoo kale uu ka mid ah odayaasha deegaanka iyo dadka aadka looga yaqaano duleedka Muqdisho, ragii dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday mana jirto wax dadaalo ah oo ay sameeyeen Ciidamada amaanka ee halkaasi ku sugan.