Somali News

Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay nin nabadoon ahaa ka tirsan bulshada ku nool degmadaasi.

Nabadoonka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Axmed Miinay, waxuuna dilkaaas si gaara uga dhacay Suuqbacaad, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxaana mudo yar kadib la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas halkaas baaritaano ka wada.

Nabadoonka la dilay oo lagu magacaabo  Cabdiraxmaan Axmed Miinay Qaloosh ayaa waxaa la sheegay in uu ka tirsanaa ergadii magaalada Jowhar ku soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.