Uncategorized

Nabadoon Xalay lagu dilay degmada walaweyn ee gobalka Shabeelaha hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo  degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe halkaasi lagu dilay Nabadoon Caanka ahaa degmadaas,sida ay idaacadda kulmiye u sheegeen dadka degaanka.

Dadka ku nool degmada Walaweyn ayaa waxa ay KNN sidoo kale u sheegen in Ciidamo watay Gawaarida dagaalka ay Nabadoonka Gurigiisa ugu tageen isla markaana ay halkaasi ku toogteen,iyadoona nabadoonka la dilay lagu  Magacaabi jiray Maxamed Cabdi jeelle.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Gobalka Shabeelaha hoose ayaanu weli ka hadlin dhacdadan ka dhacday degmada walaweyn ee gobalkaasi.

Degmada Walaweyn ayaa waxaa ay ka mid tahay Meelaha inta badan ay dhacaan Dilal qorsheysan ee loo geysto dadka Rayid ee aan waxba galabsan.